Thursday, 24 November 2011

GABADH SOOMAALIYEED OO INDHAHA LAGA SAARAY UNA BAAHAN kAALMO DAGDAG

iqra with wiil kamid arday soomaaliyeed

WARQADDA KAALMO LOOGU RAADINAA IQRA

iqar bashiir birre

iqra in hospital

IQRA PASSPORT

Friday, 4 November 2011

Qurban di Somalia, UNISEL.

Qurban di Somalia, UNISEL.


Universiti Industri Selangor (UNISEL) waa Jaamacad aad u weyn oo laga barto culuumta laxiriir ta & sayniska sida caafimaadka iyo Engineering, Jaamacadaan ayaa ku taala wadanka Malaysia, waxaana Jaamacadaan iskaleh dowladda

gobolka Selangor ( State University) hadabba laga bilaaba 02 October 2011 ilaa 03 November 2011 waxaa ka jiray barnaamij la yiraahdo Qurban di Somalia, waxaana barnaamijkaan soo qaban qaabiyay Jaamaacada UNISEL, qaas

ahaan Faculty of communication & Media of UNISEL, Qurban di Somalia waa barnaamij loogu talagalay in lacag loogu aruuriyo umadda Soomaaliyeed ee abaarta wax yeeshay, waxaana lacagtaas loo qiimayndoonoo inta xoola ah eey u

dhiginto qiimaha ahaan.



maadaama ciida carafo la bixiyo xoolo ama hilib, lacagta badankooda waxaa ku tabarucay company waa weeyn sida MAY-Bank , Tapung Hajji, & Jaamaacadda UNISEL , sidoo kale waxaa lacag ku tabarucay ardayda & macalimiinta

Jaamacadas.barnaamijkaan Qurban di Somalia waxaa iska kaashanaayay 3 hay'adood oo kala ah

1-Malaysian Turkish Dailogue Society

2-KIMSE YOK MU oo ah Hay'adda weyn oo Turkish iyo

3-Jaamacadda Universiti Industri Selangor (UNISEL).



waxaana barnaamijkaan hagaayay Faculty of Communication & Media of UNISEL. Qofkii doonaa inuu wax baxsado waxaa lagu dhiira-gilinaayay inuu bixiyo lacag gaareeysa RM390 oo ah lacag u dhiganta neef xeelo Lo' ah.

Haddaba Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia ( Somali Community Malaysia) ayaa ku tabarucday lacag dhan RM780 oo u dhiganta laba neef lo' ah, waxaana lacagtaas gacantiisa ku wareejiyay

Madaxa Jaaliyadda Soomaalida Malaysia Safiir Ceymow kadib ugu mahadceliyay dadaalkooda ku aadan cawinitaanka soomaalia . Jaamacadaan UNISEL ayaa inoo sheegtay in 

 in lacagtaan la  marsiin doonaa Hay'adda weyn turkiga ha ee loo yaqaan  KIMSE YOK MU oo iminka ka howl gasha wadankeena.






---------------------------------------------------------------------

Mohamed Ali Hassan
warfaafinta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia
Tell :+60163836852

Monday, 24 October 2011

Jaaliyadda Soomalida Malaysia & Xafiiska UNHCR ee Malaysia oo Soo Gaba Gabeeyey Koob Kubadda Cagta (+ Sawiro).

Koobkaan waxaa loogu magacdaray Building Community Team waxaa maalgiliyay Xafiiska UNHCR ee Malaysia oo la gaashanaa Jaaliyada Soomaliyeed ee Malaysia, waxuuna koobkaan soconaayay ilaa 3 usbuuc (3 weeks), waxaana ku tartamaayay 12 koox oo kawada tirsan qeybaha kala duwan ee soomaali Malaysia.

Koobkaan waxaana looga talagaly in lagu soo saaro koox kubadda cagta ah eey leedahay Jaaliyadda soomalida ee Malaysia, waxaana koobkaan lasoo gababeeyay maalintii axada ahay (23/10/2011).

Hirgilinta & socodsiinta koobkaan waxaa kaalin buuxda ka qaatay madaxa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia Mudane SAFIIR CEYMOW, sidoo kale waxaa maalgilinta badankeed bixiyay Xafiiska UNHCR ee Malaysia oo ku bixiyay lacag dhan RM12000,  gababadii waxaa lasoo abuuray koox ka kooban 24 ciyaartoy oo laga soo xulay ciyaartooydii u wanaagsaneeyd iyo taba-baraha kooxdaas.

Hadii aan wax idinka xasuusino qaabka kooxaha isugu aadeen waxeey ahayd sidan.

A.KASTURI                 V/S   IFIN
B.MADINA STARS        V/S   IDAMAN BOYS
C.K.P.P                      V/S   P.V.10
A.T/MELATI                V/S   IMPAIN
B.HIDIGAHA               V/S   UTAMA
C.SOMALI                  V/S  BANADIR




kadib waxaa isku soo haray

A.T/MELATI        V/S           KASTURI
B.HIDIGAHA       V/S           MADINA STARS
C.SOMALIA         VS            K.P.P
A.IFTIN              V/S           IMPAIN
B.IDAMAN BOYS V/S            UTAMA
C.P.V10              V/S           BANADIR

waxaana koobka ku guuleystay

ugu danbeeybtii waxaa final ka u soo baxay   

MADINA STARS   V/S           IDAMAN BOYS  

oo koptan u yahay jecelow

waxaana koobka ku guuleystay  kooxda loo yaqaan MADINA STARS

waxaana koobka la gudoonsiiyay koptan kooxda MADINA STARS Mudane   Mohamed Abdullahi oo loo yaqaan Kaptan baajiyo ama kaptan Jecelow.
 
Waxaan jecelnahay inaan halkaan ugu mahadcelino dhamaan intii nagal qeybqaadatay koobkaan & inta kale ee aanan halkaan lagu xusin.
1.   Maxamed Iman
2.   Abdifatax Eggah ( Abdifatah Boorame)
3.   Eedo Nadiif
4.   Mohamed Thailand
5.   Husen Wira
6.   Jamac Jabuti
7.   Mohamed Jecelow
8.   Mohamed Iman (Maamula Ciyaarta)
9.   Abdiftaha Igeh ( Abdifatah Boorame )
10.                Mohamed Jaceelow ( Kaptanka Kooxda Guuleeysataya)
11.                Safiir Ceymooy (Madaxa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia)
12.                Eedo Nadiifo (Xafiiska Soomaalida Ee Un)
13.                Ahmed Dheere
14.                Anas Abdulaahi
15.                Mohamed Thailand
16.                Husen Wira
17.                Jamac Jabuti
18.                C/Fatax Dhagax
19.                Maxamed Goomay
20.                Mohamed Kat kat
21.                Maxamed Aden Hamay
22.                C/Qadir /DHAGA Dalool
23.                ina Ladane
24.                Mr Yaasir
25.                Ciise Yare
26.                Cabdullow axmed Jama
27.                Hilawle
28.                Captain Ruush
29.                Cabdi Taani
30.                Niije
31.                San Dheere
32.                Cumar Kuria

Malaysia team

Real mandarin team

Team 5