Friday 4 November 2011

Qurban di Somalia, UNISEL.

Qurban di Somalia, UNISEL.


Universiti Industri Selangor (UNISEL) waa Jaamacad aad u weyn oo laga barto culuumta laxiriir ta & sayniska sida caafimaadka iyo Engineering, Jaamacadaan ayaa ku taala wadanka Malaysia, waxaana Jaamacadaan iskaleh dowladda

gobolka Selangor ( State University) hadabba laga bilaaba 02 October 2011 ilaa 03 November 2011 waxaa ka jiray barnaamij la yiraahdo Qurban di Somalia, waxaana barnaamijkaan soo qaban qaabiyay Jaamaacada UNISEL, qaas

ahaan Faculty of communication & Media of UNISEL, Qurban di Somalia waa barnaamij loogu talagalay in lacag loogu aruuriyo umadda Soomaaliyeed ee abaarta wax yeeshay, waxaana lacagtaas loo qiimayndoonoo inta xoola ah eey u

dhiginto qiimaha ahaan.



maadaama ciida carafo la bixiyo xoolo ama hilib, lacagta badankooda waxaa ku tabarucay company waa weeyn sida MAY-Bank , Tapung Hajji, & Jaamaacadda UNISEL , sidoo kale waxaa lacag ku tabarucay ardayda & macalimiinta

Jaamacadas.barnaamijkaan Qurban di Somalia waxaa iska kaashanaayay 3 hay'adood oo kala ah

1-Malaysian Turkish Dailogue Society

2-KIMSE YOK MU oo ah Hay'adda weyn oo Turkish iyo

3-Jaamacadda Universiti Industri Selangor (UNISEL).



waxaana barnaamijkaan hagaayay Faculty of Communication & Media of UNISEL. Qofkii doonaa inuu wax baxsado waxaa lagu dhiira-gilinaayay inuu bixiyo lacag gaareeysa RM390 oo ah lacag u dhiganta neef xeelo Lo' ah.

Haddaba Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia ( Somali Community Malaysia) ayaa ku tabarucday lacag dhan RM780 oo u dhiganta laba neef lo' ah, waxaana lacagtaas gacantiisa ku wareejiyay

Madaxa Jaaliyadda Soomaalida Malaysia Safiir Ceymow kadib ugu mahadceliyay dadaalkooda ku aadan cawinitaanka soomaalia . Jaamacadaan UNISEL ayaa inoo sheegtay in 

 in lacagtaan la  marsiin doonaa Hay'adda weyn turkiga ha ee loo yaqaan  KIMSE YOK MU oo iminka ka howl gasha wadankeena.






---------------------------------------------------------------------

Mohamed Ali Hassan
warfaafinta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia
Tell :+60163836852

No comments:

Post a Comment